Portal:Juqraafi

Hiddaha iyo Dhaqanka Sooyaal Juqraafi Taariikh Xisaab Saynis Bulsho Farsamo Falsafad Diimaha Tusmo Cunto

 Bulshada:  Arimaha Bulshada    Hiddaha iyo Dhaqanka    Cilminafsi    Dhaqaalaha    Siyaasadda    Waxbarashada iyo Barbaarinta    Juqraafi    Taariikh    Sharci    Luqad    ( Fikir )    ( Falsafad )  

Juqraafi

Khariidadaha dhulka

Juqraafi waa cilmi dersa Khariidadaha dhulka oo ay hoos yimaadaan barriga, webiyada iyo badaha.

Howraar kale, juqraafigu waa barashada sida aadamuhu ugu dul noolyahay koonka ayadoo laga eegayo xaga laqabsiga bey"aadka kala duwan ee uu nooluhu kukala noolyahay. Dhugasha xeeldheerida juqraafiga ee dhulka iyo sida nooluhu ugu dul noolyahay, ayaa sababtay in jugraafigu noqdo xarunta kulmisa culuumta uu noolaha maanta uga hanaqaaday sida uu ugu dul noolyahay dhulka, inkastoo, jugraafigu leeyahay qeexitan fara badan hadana si walba oo loo qeexaa ayaa noqotay mid lagu wada wadarsanyahay maadaama nooluhu uu tibaaxayo sida uu isagu ugu dul noolyahay hadaba, jugraafiga ayaa waxaa loo kala qeybiyaa labo qeybood oo aad u muhiim ah.

Laamaha

Maqaal xul ah

Bahda Midaysay Qoraxdu waa qoraxda, 8da meere, dayaxyo badan oo ku wareega meereyaasha, dhowr duniyar iyo tiro badan oo dhagaxaan, baraf iyo hawoooyin ah; kuwaas oo dhammaantood ku wareega qoraxda oo badhtanka ku taala. Bahda Qoraxdu Midaysay waxay ka tirsan tahay nidaamka Galaagsiyada ee loo yaqaan The Milky Way. Waxaana la sheegaa in meerayaasha, dayaxyada, dunidayar iyo dhammaan walxaha ku jira bahdan ay sameeysmeen wakhti hada laga joogo 4.5 bilyan oo sano ka hor. Inta ugu badan cufka iyo mugu waxaa laga dhex helaa qoraxda oo ugu wayn dhammaantood, iyo meeraha Cirjeex oo ugu wayn meerayaasha sideeda ah. Afarta meere ee u dhow qoraxda - Waxaraxir, Dusaa, Dhulka iyo Farraare - kuwaas oo loo yaqaano Meere Dhagaxley, waxay inta ugu badan ka samaysan yihiin bir. Dhinaca kale, afarta meere ee banaanka u baxsan ee loo yaqaano Neefaha Waawayn - Cirjeex, Raage, Uraano iyo Docay - kuwaas oo aad uga jidh iyo xajmi wayn meerayaasha dhagaxleyda ah, waxay ka samaysan yihiin neefo. Labada meere ee ugu xajmiga wayn bahda midaysay qoraxdu, Cirjeex iyo Raage, waxay ka kooban jihiin curiyeha haydarojiin iyo hiliyaam, labada ku sii xiga ee Uraano iyo Docay waxay ka samaysan yihiin sheeyo dhalaali kara oo inta ugu badan ah baraf. Si kastaba ha ahaatee, bahda qoraxdu midaysay waxay leedahay deegaano ay ka buuxaan walxo yaryar. Tusaale ahaan, suunka asteroidska ee u dhaxaysa Farraare iyo Cirjeex, si la mid ah meerayaasha dhagaxleyda ah, waxaa ka dhex buuxa sheeyo yaryar oo ka samaysan bir iyo dhagaxaan. Meereha Docay xadka ka dambeeya oo loo yaqaano Suunka Kuiber (Kuiper Belt) waxaa laga helaa duniyo yaryar oo la qaab ah Docay. Meeshan waxaa ku jira in ka badan toban kun (10,000) oo sheey kuwaas oo hadii ay aad u waynaan lahaayeen aygu isku wareegi lahaa. Dunida yaryar ee ka dambeeysa Docay ee ku dhex jira suunka kubier waxaa ka mid ah asteroidka Ceres, Bluto iyo Eris. Lix ka mid ah meereyaasha, iyo ugu yaraan 3 ka mid ah dunidayar, iyo sheeyo yaryar oo kale waxaa ku wareega walxyo ka yar ayaga kuwaas oo loo yaqaano Dayaxa meere. Meeraha Cirjeex ayaa ugu dayax badan, ayadoo leh tiro dhan 67 dayax.

Ma ogtahay

Ma ogtahay:

Sawir xul ah

Iskaashi

Maqaal la doonayo

Wikimedia

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Sidoo kale:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]


(Nadiifinta Serverka waxa ku qarsoomay)

Dieser Artikel basiert auf dem Artikel Portal:Juqraafi aus der freien Enzyklopädie Wikipedia und steht unter der Doppellizenz GNU-Lizenz für freie Dokumentation und Creative Commons CC-BY-SA 3.0 Unported (Kurzfassung). In der Wikipedia ist eine Liste der Autoren verfügbar.